Gaalkacayo :- Al-Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Weerar Lagu Dilay Nin Nabi Nimo Sheegtay

Gaalkacayo (GNN):- Ururka Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegtay inay iyaga fuliyeen weerar saakay lagu qaaday Xarunta uu Magaalada Gaalkacyo ka daganaa Shiikh  Cabdi Wali Cali Cilmi Yare iyo xirtiisa.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaas ku dileen Shiikh  Cabdi Wali Cali Cilmi Yare iyo 11 kamid ah ilaaladiisa.

Al-Shabaab ayaa wadaadkaan ku sheegay inuu nabinimo sheegtay sidaasna ay ku weerareen.

Waxay kaloo Al-Shabaab sheegeeyn inay dadka Muslimiinta ah ugu bishaareynayaan dilka wadaadkaan.

Weli waxaa gudaha Xarunta wadaadkaan ku jiro kooxihii weerarka soo qaaday oo la sheegay inay gudaha la galeen baabuurka Cabdi Bilaha loo yaqaan iyo ciidamo badan oo saarnaa.

Image may contain: 1 person, beard and text

Weli waxaa laga dhex maqlayaa rasaas  culus oo la is waydaarsanayo, waxayna dhimashada illaa hadda mareysaa ilaa 20 qof.

GABILEY.NET