Gabadh Loo Xidhay Sawir Ay Iska Qaadday Awgii

Hindiya (GNN):- Haweeney u dhalatay dalka Hindiya oo bishii la soo dhaafay ku guul darreysatay isku day ay ku dooneysay iney ku gasho mid ka mid ah macbadyada ay barakeystaan dadka heysta diinta Hinduuga ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana lagu soo oogay dacwad, ka dib markii ay Facebook-ga soo dhigtay sawir ay iska qaadday iyadoo ay “bowdadeeda qaawantahay”, xilli ay ku sii socotay macbadka.

Rehana Fathima oo 32 sano jir ah ayaa si weyn looga yaqaannaa qeybo ka mid ah Hindiya, waxaa howlaha ay qabato ka mid ah farsamada isgaarsiinta, u doodidda xuquuqda dadka kale iyo xayeysiiska dharka.

Ms Fathima ayaa maalintii talaadada ahayd xabsiga loo taxaabay xilli ay ku sugneyd xafiiskeeda oo ku yaalla magaalada Cochin, sida ay BBC-da u sheegtay saaxiibteed oo lagu magacaabo Aarthi SA.

Markii la xiray ka dib, garsoore maxkamadeed oo ay ka soo hor muuqatay ayaa amray in 14 maalmood xabsiga lagu sii hayo, ilaa inta laga dhammeystirayo baaritaanka lagu hayo. Gabadhan ayaa lagu eedeeyay iney sawrikeeda xad gudub ugu geysatay diinta Hinduuga.

GABILEY.NET