Gudoomiye Ciro Oo Galabta Dalka Dib Ugu Soo Laabtey Xili Uu Gobalada Bari Safar Ku Maraayo Madaxweyne Muuse Biixi .

Hargeysa  (GNN):- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtey kana soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa .

Gudoomiyaha ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey safar ugu maqnaa qaar ka mid ah dalalka Qaarada Yurub gaar ahaan dalalka UK iyo France .

Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa ayaa waxa ku soo  dhaweeyey Gudoomiye Ciro  Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xil Cabdiqaadir Jirde iyo xoghaye ku xigeenka xisbigaasi Md Jamaal Jaamac Xaamud .

Soo Labaashada gudoomiye Ciro ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili gobalada bari ee dalka uu safar ku maraayo markii ugu horeysay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

GABILEY.NET