Heshiis Kasta Oo DF Somaliya lala Galo Ma Khuseeyo Jamhuriyada Somaliland, Garyaqan Abdiraxman Ubaxle

Heshiis Kasta Oo DF Somaliya lala Galo Ma Khuseeyo Jamhuriyada Somaliland, Garyaqan Abdiraxman Ubaxle 1July 1960 waxaa midoobay Labadii Wadan ee Somaliland iyo Somaliya waxaana UN iyo Caalamku ku aqoonsaday magaca Jamhuriyada Dimoqradiga Somaliya wax kasta oo sharci ah ama hanti ka dhaxaysa waxay ku wada lahaayeen magacaas.

Cadalad daro iyo xasuuq loo geystay Somaliland ayaa waxa ka dhashay in 31 Sano ka dib ay Shacbiga Somaliland si xooga oo Kumanaan Mujahid ku dhinteen shacbi badanina ku hanti beeleen kula soo noqdeen Qaranimadoodii kuna dhisteen 18 May 1991 Jamhuriyada Somaliland halkaana waxa gebi ahaanba ku burburay midowgii labada dal ee la isku odhan jiray Jamhuriyada Dimoqradiga Somaliya.
Somaliland waxay dhisatay dalkedii waxay gaadhay isku filansho lakiin Caalamka aqoonsi kama helin, sidoo kalena Somaliya way burburtay caalamkuna aqoonsigii wuu kala noqday halkaa ayaa Sharci ahaan iyo wax wada lahaansho ahaanba ay ku burburtay qolo waliba dhineceeda ayey isu maamyshay.
Markii labada dhinac mudo 21 Sano ah kala maqnayen ayaa Beesha Caalamka oo ay hormood u tahay Dawlada Britain ku taliyeen in labada dhinac wada hadlaan oo wuxuun ku heshiiyaan shirkii ka dhacay London 22 Fabruary 2012.
Codsigaa Beesha caalamka ka dib waxa bilowday wada hadaladii labada Dawladood ee la isku odhan jiray Jamhuriyada Dimoqradiga Somaliya, kulankii u horeeyey oo la isku horfadhiisto laba dawladood ayaa ka dhacay Chevering House Kent oo ku taala duleedla London 21 Jun 2012 kulankan oo labada dhinac ay ka socdeen min 6 Xubnood oo ay kala hogaminayaan Wasirkii Arimaha Dibeda Somaliland Maxamed Abdilahi Omar iyo Wasirkii Arimaha Gudaha Somalia Abdisamad Macalin Maxamud.
Kulankaa waxa ka dhashay balantii ugu horaysay oo ay ku kulmeen labadii Madaxweyne ee xiligaas waa Axmed Siilanyo iyo Sheekh Shariife wuxuun ka dhacay 28 Jun 2012 Dubai UAE, waxa lagu heshiiyey in loo wada hadlo laba dhinac oo siman ilaa iyo inta lagu heshiinayo in la kala gurto ama in si sharci ah dib loogu midoobo Beesha caalamkuna ay sidaa iminka ku ogaadaan sugaana waxa ay iyagoo wada jira ula yimaadaan ee dib loogu aqoonsanayo midow ama kala gurasho.
Shirarkii way sii socdeen waxayna weftiyo labada dhinac ahi ku kulmeen Turki 13 April 2013 iyo sidoo kale Jabuuti 21 December 2014 mar kastana waxa labada dhinac kala saxeexanayeen qodobo heshiisa oo salka ku haya in la wada hadlo ilaa natiijo kama danbays ah la gaadhayo.
Nasiib daro may dhicin guul ilaa hada laga gaadhay dhamaystirka wada hadaladaas mana jiro Magac ay labadii dawladood ee midowgodii burburay 1991 ay dib ugu midoobeen oo Caalamku ku aqoonsaday sidaa darteed magac kasta oo dawlada Somaliya ay la baxdo heshiisyona kula gasho dawladaha aduunka ma khuseeyo Jamhuriyada Somaliland waana sharci daro heshiis kasta oo dawladi la gasho Somaliya ilaa iyo natiijo kama danbays ah laga gaadhayo wada hadaladii labada dhinac.
Wa bilaahi towfiiq
Garyaqan
Abdiraxman Ali Ubaxle
Hargeysa Somaliland
Exit mobile version