Itoobiya : “Caafimaad Bilaash Ah Baanu Siin Doonaa Dalalka Eretria Iyo Somaliya”

Addis Ababa (GNN):- 172 dhakhaatiir caafimaad ayaa Jaamacadda Baahir Dar ee dalka Itoobiya ka qelinjebiyey munaasabadda qelin jebinta oo ay ka qaybgaleen R’isalwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed, Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Eretrea Isaayaas Afwarqi.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya oo munaasabadda qelin jebinta khudbad ka soo jeediyey ayaa wuxuu sheegay in loo baahan yahay ardayda dalkooda iyo dadkooda soo waxbaray inay si daacadnima ah ugu adeegaan.

Ardayda dhakhtarnimada maanta ka qelinjebisayna waxaan ugu baaqayaa ayuu yiri iney adeeg caafimaad oo bilaash ah ay ka soo bixiyaan waddamada aan walaalaha nahay ee Soomaaliya iyo Eretrea.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki

Wasaaradda caafimaadka ee Itoobiyana waxay sheegtay iney diyaarineyso qorshihi u sahli lahaa dhakhaatiirta maanta ka qelin jebisay jaamacadda Bahir sidi ay adeeg caafimaad oo bilaash ah ay uga soo bixin lahyeen Soomaaliya iyo Eretrea.

Tallaabbadaasi oo qayb ah sii xoojinta isdhexgalka seddexda dal ee deriska ah ayna u gaaraan midnimo dhaqaale oo isku soo dhaweeynaya shucuubta dalalkaasi.

GABILEY.NET