Madaxwaynaha Maraykanka Oo Joojiyay Kulan Uu La Qaadan Lahaa Madaxwaynaha Dalka Ruuska + [ Sababta ]

Hargeysa( GNN) Tobanka hoggaamiye ee ka socda dalalka dhaqaalaha ugu weyn caalamka iyo wakiilo ka socda Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in ay kulmaan jimcaha iyo Sabtida Magaalada Buenos Aries ee dalka Argentina.

Kooxda G20 ayaa hoggaamiyeyaasha ka qeyb galaya waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha ruushka iyo waliba Mareykanka.

Shirka Kor hor ayaa la qorsheeyay in ay yeeshaan kulan muhiim ah ,laakiin Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in uu joojiyay kulankaasi ka dib markii uu sheegay in ruushka uu ku xadgudbay dalka Ukraine oo maalmihii lasoo dhaafay ay xiisad kala taagneyd.

Shirka Sannadkan Waxaa indhaha lagu haaya arrimo badan oo kala duwan, oo ay ku jiraan kulamo adag oo u dhaxeeya Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping iyo saxiixa suurtagalka Heshiiska Maraykanka ee Mexico iyo Canada (USMCA).