Maxkamad Australia Ku Taallo Oo Ay Ka Dhacday Arrin Af Kala Qaad Ah + Nooca Ay Tahay

Nin ayaa si khalad ah loo keenay maxkamad ku taalla dalka Australia si loogu xukumo dambi dil ah, ka dib markii lagu khalday nin ay isku magac yihiin.

Peter Brown oo 57 sano jir ah, oo lagu helay in uu dilay Simone Fraser ayaa kasoo muuqan lahaa maxkammada sare ee Victoria ee Melbourne.

Balse waxaa garsoore John Champion, oo aan ku faraxsaneen talaabadan, la hor keenay nin kale oo lagu magacaabo Peter Brown,

Peter Brown-kii dembiga lagu helay, ayaa dib laga keenay waxaana lagu xukumay 30 sano oo xarig ah.

Garsooraha Maxkammada ayaa ka hadlay jahwareerka dhacay wuxuuna dhaleeceyn u jeediyay ciddamadda asluubta, wuuxna ka codsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan qaabka la isugu khalday magacyadda labada nin.

”Waxaa aad iga cajabiyay in goobta aysan joogin cid ka socota ciidamadda asluubta,” ayuu yidhi garsoore Champion.

”Xitaa ma aysan qadarinin in ay Maxkammada kasoo hor muuqdaan, iyagoo fahamsan in uu khalad dhacay.”

Xabsiga Victoria oo war qoraal ah ka soo saaray arrintan ayaa sheegay, inay magacyo isaga qasmeen oo sidaas qof khalad ah maxkammada ku geeyeen.

Peter Brown-ka saxda ah ayaa qirtay dhamaan eedeymaha loo soo jeediyay waxayna Maxkammada ku xukuntay 30 sano.

GABILEY.NET