Sacuudiga oo Sheegay inuu “Mag” ka Bixinayo Dilkii Khashoggi.

Dowlada Sacuudiga ayaa la sheegay inay diyaar u tahay inay lacag “Mag” ah siiso qoyska iyo ehelada uu ka dhintay suxufigii Jamal Khashoggi oo ay sirdoonka Sacuudiga ku dhex dileen Qunsuliyada ay ku leeyihiin magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Xogtan ayaa laga helay mas’uuliyiinta Turkiga oo sheegay in Xeer illaaliyaha Sacuudiga oo dhawaan dalkaasi booqday uu u sheegay in Boqortooyada bixin doonto lacagta magta ah oo ay siin doonaan qoyska marxuumka iyo waliba haweenayda u dhalatay dalka Turkiga ee uu Khashoggi doonayey inuu guursado.

Weli qoyska Khashoggi kama hadal arrintan iyagoo horey u codsaday in waxa ay doonayaan ay tahay in lagu soo wareejiyo Meydka iyo in la maxkamadeeyo dadkii ka danbeeyey dilkiisa & kuwii amarka ku bixiyey dilkaasi foosha xun.

CIA & Maraykanka

Dhinaca kale dowlada Turkiga ayaa sheegtay in dhamaan xogtii sirta ahayd oo ay ka hayeen dilka suxufiga ay ku wareejiyeen Agaasimaha hay’ada sirdoonka Maraykanka ee CIA, Ms.Gina Haspel oo dhawaan booqasho iyaduna ku tagtay dalka Turkiga.

Xogta lagu wareejiyey Maraykanka ayaa la filayaa inay ku jiraan cajaladaha codka iyo muuqaalka ah oo la rumeysan yahay in Turkiga hayo, kuwaasi oo aan weli si rasmi ah loo shaacin.

Shaacinta in Maraykanka uu hayo xogta oo dhameystiran ayaa ah mid laga sii hormariyey kulanka la filayo in dhawaan uu dhexmaro Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Madaxweyne Teyyib Erdogan, iyadoo uu Turkiga doonayo in uu ku khasbo Trump inuu qaato go’aan ka dhan ah ninka ay sida weyn isugu dhaw yihiin ee dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan oo lagu eedeenayo inuu isagu bixiyey amarka lagu dilay suxufigaasi u shaqeyn jiray jariirada Washington Post ee laga leeyahay dalka Maraykanka.