Sharikad Diyaaradeed Oo Khamriga Ka Ilaalinaysa Duuliyeyaasheeda + [ Waa Shirkadee

London (GNN):- Maamulka shirkadda diyaaradaha ee Japan Airlines ayaa la filayaa inay soo bandhigaan nidaam sii adkaynaya xeerka shaqaalaheeda, ka dib markii mid ka mid ah duuliyeyaasheeda lagu xiray garoonka Heathrow ee magaalada London, isagoo cabsan.

Katsutoshi Jitsukawa ayaa la xiray ka dib markii lagu sameeyay baadhitaan muujiyay inuu maankiisu aad u doorsoomay uuna ku xad gudbay xeerka u yaalla isticmaalka maandooriyeyaasha ee duuliyeyaasha.

Nidaamka cusub ee ay shirkaddu la imaaneyso ayaa sidoo kale ku soo aaday xilli duullimaadyo badan oo ay lahayd Japan Airlines loo baajiyay duuliyeyaal sakhraansanaa awgood.

Sharciga dalka Japan ayaan wax xaddidaad ah u sameynin heerka isticmaalka maandooriyeyaasha ee duuliyeyaasha.

Taas baddalkeeda, maamulka diyaaradaha ayey u taallaa iney xeerarkooda gaarka ah u sameystaan shaqaalohooda.

Mr Jitsukawa ayaa inta aan la xirin ka hor cabay 189mg oo khamri ah, iyadoo waddanka Ingiriiskana duuliyeyaasha diyaaradaha loo oggolyahay iney cabaan wax aan ka badneyn 20mg.

Bayaan ay soo saartay shirkadda Japan Airlines ayaa lagu yiri: “Shirkaddu waxay xad gudubkan u qaadatay mid si dhab ah wax looga qabanayo, maadaama nabad galyada macaamiisheenna ay tahay mid mudnaan gooni ah leh, waxaana raalli galin buuxda siineynaa cid walba oo ay saameyn ku yeesheen ficillada shaqaaleheenna”.

Tan iyo bishii Agoosto ee sannadkii 2017-kii, 19 kiis oo ku saabsan duuliyeyaal maandooriye xad dhaaf ah isticmaalay ayaa laga soo tabiyay shirkadda Japan Airlines oo kaliya.

Shirkadda ayaa ilaa hadda aan ku guuleysanin inay xal u hesho dhibaatadaas soo jiitameysay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maamulka.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in shuruucdan cusub ay horayba uga sii dhaqan galeen garoonka Heathrow iyo garoomada maxalliga ah ee gudaha dalka Japan.

 

19-ka bishan November ayaase la filayaa in si buuxda loogu dhawaaqo loona dhaqan galiyo shuruucdaas.

GABILEY.NET