WARARKA




Sheekh Cali Dheere Oo Ka Baxay Ururka Al Shabaab + [ Xaguu Ku Biiray ]

Moqdisho (GNN):- Cali maxamuud Raagge (Cali dheere) ayaa la rumeeysan yahay in uu u xuubsiibtay kooxda Daacish sida aan xogta ku heleeyno,waxaanuย  arinkaaniย  culeeys xoogan ku noqon karaa Kooxda Al-shabaab ee uu hore uga tirsanaa.

Al-shabaab iyo koox ajaaniib ah oo ka barbar dagaalameeyayย ย ย  dhawaan iskaga hor yimiย  deegaanada Gobolka ย jubadda hoose kuwaasi oo la sheegay in ay u kala baxeen shabaab iyo daacish.

Afhayeenka Cali maxamuud Raagge (Cali dheere) ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa laga waayay fagaarayaasha hogaamiyayaasha al-shabaab lagu arkaayay waxaana la tuhmaayay in aanu wanaagsaneeynin xidhiidhkoodaย  hoose.

Talaabadaani ayaa waxaa ay sidoo kale culaysinย  kartaa Dowlada soomaaliya taasi oo la ogsoon yahay in aysanq qaadin weeraro ka dhan ah kooxaha Argagaxisada ah tan iyo markii ay talada dalka la wareegeen

Dad badan ayaa aaminsan in DFS ay masuul ka tahay in ay tarmaan kooxahaani, sababtoo ah waxaa ay heleen fursado ay dhexdoodu iskugu mashquulaan maadaama aysan ka baqdin qabin weerar uga yimaado dhinaca dowladda.

GABILEY.NET