Somaliland :- Saddex Masuul Oo Iska Casilay Xukuumada Muuse Biixi Oo Sanad Jirsatey .

Hargeysa (GNN):- Xukuumada uu madaxweyne Muuse Biixi hogaaminaayo waxaa ay talada dalka Haysay muddo Hal sanno ah .

Xukuumadan sanad Jirsatey ayaa waxaa siyaabo kala  gooni  gooni ah wakhtiyo kala duwan iskaga casilay saddex Masuul oo laba ka mid ahi ay agaasimiyaal ka yihiin laba wasaaradood , halka masuulka saddexaadna uu aha gudoomiye ku xigeenka Haay’adda dhawrista tayada .

Waxaana masuulyiintani ay kala ahayeen oo ugu horeeyey wax  iska casilay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi gudoomiye ku xigeenkii Haaya’dda Dhawrista  Tayda Marwo Khadra Xaaji  Geydh .

Sidoo kale waxaa isna ahaa oo noqdey masuulkii labaad ee iska casilay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi  Agaasimihii guud ee wasaarada Qorsheynta qaranka Somaliland Prof Cabdi Cali  oo isagu sheegay xiligaas uu is casilay in aanu xukuumada Muuse Biixi la sii shaqeyn Karin , isla markaana madaxweynaha uu kala kulmo ficilo aanu ka filaneyn .

Masuulkii saddexaad ee iska casilay xukuumada Muuse Biixi ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu iska casilay xukuumada Biixi kaas oo ahaa agaasimihii guud ee wasaarada Cadaaalada Somaliland Md Xassan Laki waxaana uu xukuumada Muuse Biixi ku sifiiyey koox ciil qabayaal ah oo xukunka dalka ku aar gudaneysa

GABILEY.NET