WARARKA




Warbixin Shalay Lagu Daabacay War-side Kasoo Baxa Maraykanka Oo Muddaysay Xilliga La Furayo Saldhiga UAE ee Berbera

Berbera(GNN):-Saldhigii Millatari ee Dalka Imaaraadka Carabtu ku furanayeenย  magaalada Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa siย  la sheegay in la furi doono Bisha June ee sannadka fooda innagu soo haya, siday laga weriyeen ilo diblomaasiyadeed. Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin uu shalay daabacayย  Warsidahaย  Bloombergย  ee dalka Maraykanka. Warku wuxuu intaas ku daray saldhiga Millatari ee Imaaraadkaย  hawlaha uu qaban doono ay ka mid tahay inuu ilaaliyo xeebaha Somaliland. Saldhigan Millatari ee Imaaraadku ayaa la weriyey inu u ilaalin doono marsada Berbera iyo xeebta Somaliland oo dhererkeedu yahay 800 oo Km. Danjirihii hore ee Somaliland u fadhiyey Imaaraadka carabta, Md. Baashe Cawil Cumar, ayaa bayaamiyeyย ย  in budhcad baddeedu ay maraakiib ka qafaasheen xeebahaย  Somalilandย  bishii March ee kal-hore. Safiir Baashe Cawil ayaa waraysi lagaga qaaday Hargeysa kuย  sheegay in millatariga Imaaraadka carabtu ayย  taageeri doonaanย  gobolka oo dhan, isla markaana ayย  la tacaali doonaan Budhcad baddeeda, kalluumaysiga sharci darrada ah iyo sunta lagu daadinayo badaha. Mr. Baashe waxa uu xusay in dalka Imaaraadka Carabtu noqday xuddunta ganacsiga gobolka, sidaas darteedna aanay arrintaasi u suurtogeli karin haddii aanay ilaalin ganacsigaย  badaha iskaga gooshaya. Waxa kalooย  Baashe Cawil caddeeyey in saldhiga Berberaย  oo cabirkiisu yahayย  42 km oo laba jibaaranย  uu iskugu jiro saldhig millatari iyo laba madaar,waxaanu xaqiijiyeyย  in mid ka mid ah labadaas madaar uu boqolkiiba lixdan dhammaaday.