Wasiirka Arrimaha Gudaha Jarmalka Oo Ku Dhawaaqay Inuu Iska Casilaayo……

Hargeysa (GNN);- Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee dalka Jarmalka Hoorset Sihofeer  ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilaayo xubinnimada xisbiga uu ka tirsanaa ee Bafaariyaan Sooshiyaal Kiristiyaan Baarti , waxaanu sheegay in uu doonaayo in uu u madaxbanaanaado shaqadda Qaranka ee uu ka hayo xukumadda ay hogaamiso Angela Merkal .

Warkan oo lagu baahiyey warbaahinta ABC News oo laga lee yahay dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in wasiirku sheegay in uu kusii negaanaayo xilkan wasiirnimo ee uu waqtigan xukumadda ka hayo , isa

ga oo intaasi ku daray in uu doonaayo in uu faah faahin bixiyo xiligeeda.

 

Siyaasigan ayaa loo doortay madaxa Xisbiga Bafaariyaan Kiristiyaan Soshiyaal Baarti  bishii December ee ina dhaaftay , iyada oo su’aalo badan layska weydiinaayey madaxtinimadiisa xisbiga kadib markii uu hoos u dhac weyni ku yimid xisbigaasi .