Xukumadda Yemen Oo Ogolaatay Inay La Hadasho Maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

Dawladda dalka Yemen ayaa sheegtay in ay ka qayb gelayso shir lagaga wada hadlaayo arrimaha nabadaynta dalka Yemen, kaas oo lagu dhex dhexaadinaayo dawladda Yemen iyo maleeshiyaadka Xuutiyiinta , shirkaas oo ka dhici doona dalka Iswiidhan toddobaadyadda soo socda .

Shirkan ayaa la filayaa in lagu dhameeyo colaadda ka taagan wadanka Yemen , waxaana soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay, kaas oo la doonaayo in lagu soo afjaro colaadda mudada dheer qaadatay ee ka socota dalka Yemen .

Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen oo u waramaayey wakaaladda wararka Yemen ee Saba ayaa sheegay in ay dawladdiisu aqbashay codsi uga yimid ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Yemen Martin Girifis .

GABILEY.NET