Akhri;Qodobada Laga Soo Saaray Shirweynnihii Tacliinta Sare ee Hargeisa Lagu Soo Gunaanaday iyo Rajada …..

Shirweynaha qaran ee tacliinta sare oo ay soo qaban qaabisay wasaarada waxbarashada iyo sayniska oo mudo laba maal-mood ah ka socday magaalada Hargeysa ayaa maanta lagu soo gebobayeey kaasi oo ay ka soo qayb galeen madaxda wasaarada waxbarashada oo uu ugu horeeyo Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo sayniska Maxamed Daahir Axmed, Agaasimaha tacliinta sare Axmed Muuse Muruud, Gudoomiyaha gudiga tacliinta sare Pro Xuseen Xasan Guuleed, masuuliyiinta jaamacadaha dalka, madax kala duwan iyo daneeyayaasha waxbarashada.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha tacliinta sare Axmed Muuse Muruud oo ku dheeraaday ahmiyada uu shirkani leeyahay iyo sidii ka wasaarad ahaa ay u dhaqaajin lahayeen qorshe ay ku tayeynayaan korna ugu qaadayaan jaamacadaha dalka waxaanu halkaasi ka sheegay qodobada laysla qaatay ee ka soo baxay shirkaasi.

 

Qodobada guud ee shirka ka soo baxay:-

1. In shirkan laga dhigo mid sannadle ah oo la qabto sannad kasta bisha 12aad iyada oo hanaankiisa qabanqaabo iyo mawduucyada lagaga hadli doono ay soo diyaarin doonaan guddi farsamo oo ka kooban dhamman bahda tacliinta sare ee Somaliland.

2. In la fuliyo, Qorshaha Istraatajiyada Waxbarashada Qaranka ee shanta sanno qaybta kaga aadan tacliinta sare, oo dhigaya “in bulshada Somaliland hesho waxbarasho sare oo tayo leh” si taasi loo gaadhana la fuliyo laguna dhaqmo halbeegyada tacliinta sare ee Somaliland loo dajiyay, kormeer iyo qiimayn joogto ahna lagu sameeyo Jaamacadaha Dalka.

3. In la dhammaystiro qiimayntii socotay ee Jaamacadaha dalka lana gaadho 15 Jaamacadood ee hadhsanaa, warbixintana lagu soo saaro sida ugu dhakhsaha badan.

4. In Jaamacadaha dalku aanay qaadan karin arday aan haysan shahaadada dugsiga sare, Jaamacadii qaadatana laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

5. In takhasusyada iyo Barnaamijada Jaamacaduhu ay bixinayaan uu ka jawaabo baahiyaha dalku xirfadaasi u qabo, si taasi loo xaqiijiyo waa in Jaamacadina aanay bilaabin Barnaamijyo aanay ansixin Wasaaradda Waxbarashada iyo Komishanka Tacliinta Sare.

6. In Jaamacadaha ilaaliya tayada Waxbarashada ee meel fiican ka gala qiimaynta ay samayso Wasaaradda Waxbarashadu lasheego,bulshadana loo tilmaamo.

7. In macalimiinta ajaanibka ah la soo mariyo Wasaaradda Waxbarashada si loo xaqiijiyo inay haystaan shahaadooyinkii loo baahnaa.

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo sayniska Maxamed Daahir Axmed oo ka hadlay shirweynaha qaran ee tacliinta sare oo uu sheegay in uu yahay mid wax weyn ka badali doona qorshaha lagu horumarinayo tacliinta sare ee dalka waxaanu halkaasi ka sheegay in ka wasaarad ahaan ay xoojinayaan sidii kulamo badan oo lagu gor faynayo tacliinta sare ay u qaban lahaayeen si loo xoojiyo hanaanka lagu hagayo aqoonta si loo soo saaro dhalinyaro dalka wax tarta waxaanu si rasmi ah u soo xidhay shirkaasi socday mudada labada maalmood ah.

 

Gabiley.Net