Hargeysa (GNN):- Dalalka Beesha Caalamka ayaa waxaa ay miiska soo saartey wakhtiga ay doonayaan in doorashooyinkii Somaliland ee dib u dhacu ku yimid ay dhacaan .Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID Md Cabdinasiir Qodax ayaa ka war bixiyey kulan ay ka xisbi ahaan wafti ka socda beesha caalamka ay la qateen waxaaa uu cadeeyey in ay u sheegen in ay aad uga xun yahiin dib u dhaca dorashooyinkii Somaliland ku yimid , balse ay iminka codsanayaan in doorashooyinku dhacaan inta lagu dhex jiro sanadka 2019
Md qodax ayaa sheegay in beesha caalamku ka digtay in doorashooyinku dib uga dhacaan 2019 , hadii ay dib uga dhacaana ay Somaliland ka dhaxli doonto inay beeshu caalamku si rasmi ah dhabarka ugu jeedin doonto
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
GABILEY.NET