“Boqor Burhaan Durbaanka Qabyaaladeed Ha Joojiyo…” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (GNN):-  Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka Somaliland Ee UCID  ayaa boqor burhaam ku edeeyay inuu dabadda ka riixayo durbaan qabyaaladeed oo laga soo abaabulayo magaaladda garoowe ee xarunta maamulka puntland.

Faysal cali waraabe ayaa boqorka ugu baaqay inuu ka waantoobo durbaanka qabyaaladda ee ka waddo goboladda bariga,waxaana sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo nabadda iyo isku xidhnaanta bulshadda.

“Ninka layidhaah boqor burhaan Ilaahay ayaa boqoree waxa uu wadda durbaan qabiili ah oo khatar ku ah Somali oo dhan,waxaanan leenahay halaga waantoobo durbaankaasi qabiiliga ah oo waddanka yaan lagu celin 1991kii,waxaanan leenahay dhalinyaradda lagu soo uruuriyay muqdisho ee caqligoodu yahay aynu aarsano ee  leh aynu soo celino caqligii reer hebel waxaanu leenahay waxaasi socon mayso.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay Eryal Tv

“Gobolka garoowe ee hadda fidayna waxaanu leenahay halaga waantoobo durbaankaas qabiiliga ah.Sidaas ayaa uu yidhi faysal cali waraabe.

Boqorka burhaam oo ka tirsan madax dhaqameedka maamulka puntland ahna boqorka beelaha daarood ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaaladda taleex ee Somaliland,waxaana uu mar uu la hadlayay warbaahinta boqorku sheegay in maamulka puntland ay taleex u magacaab gobol.

GABILEY.NET