Ciidamada Suuriya Oo Dib Ula Wareegay Magaalo Mihiim Ah + [ Kooxda Ka Baxday Magaalada ]

Suuriya (GNN):- Ciidammada dowladda Suuriya waxay sheegeen in markii ugu horreysay ay gaadheen magaalada waqooyiga ku taalla ee Manbij halkaas oo ay ka taageen calanka xukuumadda.

Balse wararka si madaxbanaan looma xaqiijin karo.

Maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee YPG ayaa ka baxay magaaladaasi, waxayna ciidammada Suuriya ugu baaqeen inay dib ula wareegaan gacan ku haynta Manbij sii looga ilaaliyo inay qabsadaan Turkiga.

Dagaallamayaasha Kurdiyiinta ayaa u muuqda kuwo taageero doon ah tan iyo markii uu madaxweyne Trump uu si la yaab leh shaaca uga qaaday in ciidamadiisa ka joogo Suuriya uu kasoo saari doonaa.

Mareykanka ayaa taageera kooxda YPG ee dagaalka kula jirto kooxda isku magacaawday Khilaafada Islaamka balse Turkiga ayaa u arkaa kooxdan inay kamid tahay ururka Kurdiyiinta ee laga mamnuucay gudaha dalkaasi isla markaasna wacad ku maray inuu cirib tiri doono.

GABILEY.NET