Colonel Jamaal Baaxad iyo Ciidamo Uu Horkacayo Oo Caarre Ka Soo Goostay.

Cerigaabo(GNN):-Colonel Jamaal Baaxad Oo Caarre Ka Soo Goostay. Gud Gobolka Sanaag Iyo Madaxda Ciidammada Kala Duwan Ee Gobolka Sanaag Ayaa Tuulada Bohol oo qiyaastii 63Km dhinaca Koonfureed kaga beegan degmada Ceelafweyn Ee Gobolka Sanaag, waxa ay ku qaabbileen Islamarkaana Kulammo Kula Qaateen Taliye Gamaal Baaxad Iyo Jiif-Caaqil Maxamuud Nuux Maxammed oo ka soo laabtay kooxda Kornayl Caarre,

Waxaana Wararku Intaasi Ku Dareen in colonel Jamaal Baaxad  iyo Ciidamo uu horkacayo oo Ka Mid ahaa Kooxda Caare ay Dib ugu Soo noqonayaan Xasiloonidii iyo Nabadii ay hore ugula noolaayeen bulshadooda oo ay si muwaadinimo leh hore ugu shaqeyn jireen.

Ma Jiro Ilaa Hadda Wax War Rasmiya oo Ay Soosaareen laamaha Dawlada iyo Ciidmada Somaliland Balse Ilaha Aanu Helayno Ayaa Noo Xaqjiiyey in Kulankaa Ay maanta Wada Yeesheen Maamulka gobolka Sanaag iyo Madaxda dhaqanku uu ahaa mid Muwaadinkan dib loogu soo xero galinayo islamarkaana uu Jiro Warkaasi.

La Soco Wixii Warar Kasoo Kordha Arrintaasi.

Gabiley News Network.

 

 

Exit mobile version