Daawo Madaxweynaha Jabuuti Oo Walaac Ka Muujiyay Isbedellada Gobolka Geeska Afrika.

Jabuuti(GNN) Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo hadal a jeediyay xiritaankii madasha Heritage oo maanta lagu soo gaba-gabeeyay caasimadda dalka Jabuuti, ayaa walaac xooggan  ka muujiyay is-bedellada ka socda Geeska Afrika, isagoo ku taliyay in la dhawro dalalka gobolka.

Geelle ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo isbedellada ka socda gobolka, balse loo baahan yahay in isbedellada socda laga eego faa’iidooyin iyo wixii dibin-daabyo ah ee ku duugan.

“Waxaa wanaagsan in fiiro dheer loo yeesho waxa ay dunidu rabto iyo sida ay dalalka kale ee gobolku ula fal-geli karaan isbedellada socda,” ayuu yidhi Madaxweynaha waddanka Jabuuti oo ku maahmaahay; ‘Waan Baahanahay Bahallo looma cumo’.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jabuuti ayaa wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay in la dhawro mahuraannada ummadeed oo salka ku ah buu yiri jiritaannada waddamada caalamka oo dhan.

Mar uu sii hadlayay ayuu sheegay in dalalka Geeska Afrika ay leeyihiin urur ay ku mideysan yihiin loo yaqaanno IGAD, kaasoo oo guta xilka iskaashiga dalalka Gobolka, isagoo xusay in looga dambeeyo howlaha is-dhex-galka gobolka.

“Tusaale ahaan Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya waxay qaadeen talaabooyin ku dayasho mudan, kuwaasoo ku saabsan dhanka is-dhex-galka wadamada gobolka,” ayuu hadalkiisa ku daray, wuxuuna hadalkiisan u muuqday mid uu ku doonayo in Jabuuti laga qayb-geliyo is-bedellada socda.

Dhanka kale, Hadalka Madaxweynaha Jabuuti ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo toddobaadkii hore uu booqasho ku yimid Muqdisho madaxweynaha Eritrea, Issias Efwerki, taasoo ahayd booqasho rasmi ah oo uu wadahadallo kula yeeshay madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Ugu dambeyn, isbedellada ka socda gobolka ayaanay weli Jabuuti qayb ka ahayn, iyadoo Eritrea ay weli haysato dhul ay Jabuuti leedahay, inkastoo ay labada madaxweyne horay ugu kulmeen dalka Sucuudiga.

 

GABILEY.NET