Dad Xaflad Ay Ka Soo Qeyb Galeen Naftoodii Ku Waayey

Kow iyo toban qof ayaa dhimatay halka tobaneeyo kalana ay xanuunsadeen kadib markii bariis ay ka cuneen macbad u yaalla dalka Hindiya, sidaasi waxaa sheegay booliska.

Ku dhawaad 70 qof ayaa la geeyay cisbitalka kadib markii ay cunadaasi xaflad lagu dhigayay gobolka galbeedka ee Karnataka.

Afahyeen u hadlay booliska ayaa BBC-da u sheegay in 11 qof ay xaalad culus ay ku jiraan.

Laba qof ayaa lagu soo waramayaa in loo xiray dhacdadaan.

Sarkaal caafimaad oo maxali ah ayaa warbaahinta u sheegay in cunada laga yaabo in ay sumeeysnayd.

“Waxaa nala siiyay bariis lagu sameeyay yaanyo kaas oo shiirayay,” qof ka qeeyb galay xafladda ayaa weriyeyaasha u sheegay sidaasi.

“Dhamaan intii tuurtay cunada waa ay wanaagsanyihiin, balse dakii cunay waxa ay bilaabeen mandag waxa ayna ka cabanayeen calool xanuun”. Ayay intaasi ku dareen.

Dhacdadaan ayaa waxa ay maanta ka dhacday macbadka Maramma oo ku yaalla degmeda Chamarajanagar halkaas oo ka dhacaysay xaflad qaas ah.

GABILEY.NET