Ganacsade Lagu Dilay Suuqa Bakaaraha Muqdisho Badhtamihiisa.

Muqdisho(GNN):-Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay nin ka ganacsan jiray Khudaarta ka soo go’da dalka.

Dilka ayaa ka dhacay suuqa Khudaarta ee Suuqa Bakaaraha qeybta Degmada Hodon. Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay l in labo Nin oo Baskoolado watay ay rasaas ku fureen Nin da’ ah oo magaciisa lagu soo koobay Jeeri.

Waxaa uu suuqa ku gadi jiray noocyada khudaarta sida; Bocorka, Barbarooni, Sabuulka iyo noocyada kale ee Khudaarta cagaaran.

Kooxda dilka geysatay ayaa ka baxsaday goobta dilka kaddib, waxaana markaas kaddib goobtii tagay Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dilalka loo geysanayo dadka ganacsatada ah ayaa ku badanaya Muqdisho, iyada oo inta badan bilihii la soo dhaafay la bartilmaameedsanayay Shaqaalaha sharikadaha Ganacsiga ee ka jira Muqdisho.