“Guddoomiye Mursal Cunnada Iyo Biyaha Ayaa Laga Goostay Annagana Talaabo Ayaan Qaadeynaa…”

Moqdisho (GNN):- Qaar kamid ah xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka xun yihiin go’doominta lagu sameeyay guddomiyaha baarlamaanka.

Xildhibaan C/Xakiin Macalin Ahmed oo kamid ahaa xildhibaanadii xalay la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay inay u dulqaadan waayeen go’doominta guddoomiyaha baarlamaanka, sidaasina ay ugu tageen.

Ugu horeyn wuxuu sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka loo diiday inay la kulmaan , balse aysan jirin cid hor istaagi karta inay la kulmaan guddoomiyahooda, islamarkaana ay xoog kaga gudbeen dhagxaan lagu gooyay hoyga guddoomiyaha.

Xildhibaan C/Xakiin ayaa tilmaamay inay talaabo qaadi doonaan, walow uusan sheegin talaabada ay qaadayaan nooca ay tahay iyo cidda ay ka qaadayaan, maadaama aysan jirin Talaabo ka weyn mooshinka ay gudbiyeen oo ay qaadi lahaayeen.

Waxa xalay la arkayay xildhibaano badan oo la kulmay Guddoomiyaha kuwaasi oo uu kamid ahaa xildhibaankii shalay galab shaaciyay in guddoomiyaha Baarlamaanka maxbuus laga dhigay.

Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa mareysa meel adag ka dib markii Xildhibaano ka tirsan Golaha ay Shacabka ay Mooshin ka keeneen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

GABILEY.NET