Guddoomiyihii Guddiga Amniga Baarlamaanka Konfur Galbeed Oo Lagu Dilay Baydhabo

Baydhabo (GNN):- Waxaa maalinkii labaad magaalada Baydhabo ka socdaa dibadbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo xidhitaanka Mukhtaar Roobow(Abuu Mansuur).

Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya Baydhabo waxay sheegayaan in saaka gudaha magaalada lagu dilay guddoomiyihii guddiga amniga ee baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaan Cabdishakuur Yacquub Buulle.

Rabshado ayaa ka dhacay magaalada oo u dhexeeyo ciidamada ammaanka iyo dad ka careysnaa xidhitaan  Mukhtaar Roobow, waxaana rabshadahaasi sidoo kale ku dhintay wil yar oo 10 jir ah.

Waxaana lagusoo warramaya in magaalada ay ka taagan xiisad iyo jahwareer.

GABILEY.NET