Kooxo Hubaysan Oo Magaalada Qardho Ku Weeraray Kornayl Caarre, Gaadhigiisii Oo Ay La Baxsadeen

Qardho (GNN):- Kooxo hubaysan ayaa saaka badhtamaha magaalada Qardho ku weeraray Kornayl Siciid Caarre, oo hoggaamiyaha Jabhad fadhigeedu yahay Puntland oo Somaliland ka soo horjeeda.

Kooxda ayaa ka xaystay gaadhigii gaar ka ahaa ee kornayl Siciid Cawil Caarre.

Wariyaha HCTV , ayaa sheegaysa in hadda ay socdaan waan waan Odayaasha deegaanku wadaan oo la doonayo in kooxda lagaga soo celiyo Gaadhiga.

Illaa hadda ma cadda sababta ay kooxdani u dhaceen Gaadhiga kornayl Siciid Cawil Caarre, balse wararka soo gaadhaya Shabakadda Gabiley.net ayaa waxa ay sheegayaan in kooxdan weerarka gaystay ay daba socoto weeraro hore oo ay gaysteen dad ay isku deegaan yihiin Kornayl Caarre oo la sheegay inay hore gaadhi u dhaceen.

Lama Saadaalin Karo Halka Ay Ku Dambeyn Karto Aftuubka Loo Gasytay Gaadhiga Gaarka Ahaa Ee Korneyl Caare.Balse Waxa Soconaya Iskudayo Lagu Doonayo In Lagu Soo Celiyo Gaadhigaasi.

Wixi Arinta Ku Soo Kordha Waxaad Kala Socotaan Gabiley.net

GABILEY.NET

Exit mobile version