Madaxweyne Muuse Biixi Oo Todobaadkan Safar Dalka Kaga Dhoofi Doona , Wadanka Uu Tagi Doono Iyo Ujeedkiisa

Hargeysa (GNN):- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu toddobaadkan safar gaar ah oo siyaasadeed oo aan la sii shaacin ku tago caasimadda waddanka Jabuuti ee Jabuuti isaga oo halkaasi kula kulmi doona Madaxweynaha waddankaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola qasriga Madaxtooyada Somaliland oo Wargeyska Foore xogta safarkan siiyay ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi safarkiisii labaad ee uu dalkaasi ku tago ugu xadhka xidhan yahay caasimadda Jabuuti tan iyo markii sannad ka hor loo dhaariyey xilka Madaxweyne isaga oo wakhtigaasi safarkiisii ugu horreeyey ee uu dal dibadeed ugu baxo uu ku tagay Jabuuti.

Safarka Madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo beegmaya wakhti siyaasadda Geeska Afrika ay baaxaa-dageyso oo is baddal weyni ku yimid aadna ay isugu xidhmeen dalalka saddexda ah ee Itoobiya, Soomaaliya iyo Eretariya oo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dalalkaasi jilayaan ay ugu dambaysay safarkii uu wiiggan Madaxweynaha Eretariya labada habeen ugu sugnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ilo-wareedyo Wargeyska FOORE ka helay safarka Madaxweynaha Somaliland ee la filayo ayaa noo xaqiijiyey in inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn ajandaha ay labada Madaxweyne ee Muuse Biixi Cabdi iyo Ismaaciil Cumar Geelle ka wada hadli doonaan haddana la filayo in ay si gaar ah uga wada tashan doonaan xaaladaha siyaasadeed ee mandaqadda ka taagan maadaama dalkaasi Jabuuti laftiisa ay is baddaladan Geeska ka socdaa ku keeneen xaalad go’doon ah, hoosna u dhigtay meeqaamkii uu ku lahaa mandaqadda, walaw ay muddoba ku jirtay xaalad is daad-raacin ah oo aanay muujisanayn sida xaalku ugu xun yahay haddana ay muuqato sida ay uga xun tahay wajiga ka soo baxay is baddalka siyaasadeed ee ay isku fahmeen dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eretariya oo aanay Jabuuti la dhacsanayn.

Dhinaca kale safarka Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ku soo beegmaya wakhti ay jiraan xan hoose oo sheegaysa in Madaxweynuhu aanu la dhacsanayn qaabka shirkadda DP-World ay u waddo dhismaha Dekedda Berbera oo qorshuhu ahaa in 15-kii Bishan ay hawsha Dekeddu si rasmi ah oo xali leh u dardar galiso balse aanay taasi jirin iyada oo ay hore shirkaddaasi isugu dhaceen Madaxweynaha Jabuuti oo mar walba aan jeclayn in shirkaddaasi ka shaqayso dalalka Somaliland iyo Soomaaliya oo uu isku arko in uu oday talo ku leh u yahay. Hore ayuu Madaxweyne Geelle bilawgii talo waayeelnimo u siiyay Madaxweyne Biixi inuu ka fiirsado Heshiiska Shirkadda Dp-World, waxaana hadda soo baxay mad madaw badan oo ku gadaaman Shirkadaasi iyo hanaanka ay wax u wado.

Lama oga in Madaxweyne Geelle oo muddo badan diiddanaa qaddiyadda Somaliland iyo in uu xataa meeqaamka Somaliland mar kali ah u arko Maamul gaar ka ah wixii la isku odhan jiray Soomaaliya uu wakhtigan xaaladdu ku adag tahay ka badheedhi karo ugu yaraan in uu kor u qaado meeqaam diblomaasiyadeed oo uu siiyo Somaliland iyo in kale maadaama isagaba xaaladda siyaasadeed ee is baddalka Geesu keenay ay jiq ku siisay. Majiro warar si rasmi ah uga soo baxay Madaxtooyadda Somaliland oo safarkan xaqiijinaya.

Source:- Foore