Madaxweynihii Hore ee Mareykanka George HW Bush oo Geeriyooday

Madaxweynihii hore ee Mareykanka George HW Bush ayaa ku geeriyooday da’da 94 Jirka ah sida uu shaaciyay wiilkiisa.

Mr Bush oo ahaa madaxweynihii 41-aad ee soo mara mareykanka ayaa dhimashadiisa waxaa ay kuu soo aadeysaa sideed bil kadib markii ay geeriyootay afadiisa Barbara Bush.

Ilmihiisa oo kala ah Jeb, Neil, Marvin, Doro ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin geerida aabahood ku timid.

Afhayeenka qoyska madaxweynihii hore Mr Jim McGrath, ayaa sheegay in Bush uu geeriyooday abaara 10:10 daqiiqo ee xiliga maxaliga ah ee Mareykanka habeenkii xalay.

Ilaa iyo hada lama sheegin sababta rasmiga ah ee ka danbeysa geerida Bush inkasta oo uu qabay cudurka wadna xanuunka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ka tacsiyeeyay geerida Bish waxaana uu ku amaanay in uu ahaa hogaamiye wanaagsan oo aan la dabooli karin waxa uu soo qabtay.

Barack Obama oo ahaa madaxweynihii xilka ka badalay Bush ayaa dhankiisa sheegay in America ay lumisay shaqsi weyn oo lahaa hogaan iyo dareen wanaagsan.