Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In La Xidhay Wasiirka Gaadiidka Iyo Duuliista Hawada Soomaaliya ?

Moqdisho (GNN):_ Warbaahinta qaar iyo baraha bulshada ayaa lagu baahiyay saacadihii lasoo dhaafay warar sheegayay in la xidhay Wasiirka Gaadiidka iyo Duuliista Hawada Soomaaliya Mohamed Abdullahi Salad (Oomaar)

Wararka lagu baahiyay warbaahinada qaar iyo baraha bulshada ayaa lagu sheegay in wasiirka loo xidhay musuq maasuq iyo lacago badan uu lunsaday, waxaana warkan uu noqday mid si weyn baraha bulshada loogu baahiyay.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duuliista Hawada Soomaaliya Mohamed Abdullahi Salad oo Wareysi siiyay Idaacad kutaala Muqdisho ayaa been abuur ku tilmaamay in la xidhay, waxa uuna sheegay in uu joogo xafiiskiisa uuna si caadi shaqada u wato.

Oomaar ayaa sheegay in aysan jirin cid xidhtay iyo dambi lagu xidho uu galay, waxa uu sheegay in Warkaasi faafiyeen qolyo uu sheegay in ay ka rabaan lacago baad ah diyaarna u aheyn in uu bixiyo.

”Wasiir Oomaar waa la xidhay ayaa meelaha ku arkayay , oo maxaa la ii xidhayaa yaan dambi ka galay , warkaasi qolyo lacago baad ah iga raba faafiyay mana hayo lacag aan siiyo, Baraha bulshada waaba looga bartay beentan laakin Idaacadaha ayaa beentaasi ku raacay ” Ayuu yidhi  Wasiir Oomaar.

Warkan ayaa kusoo aadaya xili baraha bulshada lagu baahiyay Muuqaal lagu eedeenayay Wasiirka Gaadiidka iyo Duuliista Hawada Soomaaliya, muuqaalkan ayaana lagu sheegay in Wasiirka uu lunsaday lacago badan .

GABILEY.NET