Maxaa Ka Soo Baxay Kulan Ay Saaka Isku Yimadeen Xisbiyada Somaliland Iyo Madaxweyne Ku Xigeenku ?

Waxaa saaka madaxtooyada Somaliland ka bilaabmay wajigii labaad ee shirarkii ay iskugu  imanayeen xisbiyada Somaliland iyo xukuumada talada haysa .

Shirkan saaka ka dhacay qasriga madaxtooyada Somaliland  waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka kala socda Saddexda  xisbi qaran oo ay kala hogaaminayaan Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Saylici, Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani  Cabdiqaadir Jirde iyo gudoomiye ku-xigeenka koobaad ee Xisbiga  Cabdi  Cabdinaasir Buuni

Shirkan oo ay warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaa lagaga hadlay qodobo ay kamid yihiin in  arintaa Gudida doorashooyinka laga dhigo qodobka koobaad ee laysla falanqeyn doono iyo in la saaro gudi kooban oo sii wada wada hadalada Xisbiyada.

Kulankan oo ay ka maqanaayeen gudomiyayaasha xisbiyada UCID iyo Waddani ayaa waxaa fadhiga kan xiga ah loo balamay Maalinta Arbacada ah ee soo socota , kaas oo ay gudoomiyayaashu ka qeyb gali doonan kana dhici doona Hotel Ambasadoor.