Maxay Ka Wada Hadleen Xafiiska Midowga Yurub Iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland ? + [ Sawiro ]

Hargeysa (GNN):- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa saaka kulan la qaatay Madaxa Xafiiska Midawga Yurub ( EU ) Mr.David Korpela kulankaas oo Ka dhacay Hotel Maansoor, Labada Geesood Waxay ka wadahadleen Doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Degaanka ee Ku mudaysnaa Bisha March 2019.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa warbixin Ka siiyey xaalada doorashooyinka iyo halka Komishanka wax u marayaan.

Safiirka ayaa Komishanka uga waramay sida ay diyaar ugu yihiin inay gacan ka gaystaan Dimuqraadiyada Somaliland.

GABILEY.NET