Mid Ka Mid Ah Madaxweynayaashii Mareykanka Soo Maray Oo Goor Dhaweyd Geeriyoodey

USA (GNN):- Madaxweynihii hore ee Maraykanka George H.W. Bush ayaa ku dhintay da’da 94. Wuxuu ahaa madaxweynihii 41-naad ee Maraykanka soo maray, wuxuu Maraykanka ku hogaaminaayey faragelintii uu ciidamada Maraykanka ugu diray dalka Ciraaq ka dib markii uu madaxweynihii Ciraaq ee wakhtigaasi uu xoog ku qabsaday dalka Kuwed sannadadii sagaashamaadkii.

Wuxuu ifka kaga tegay xaaskiisii iyo shan carruurtiisii ah iyo wixii  ay sii dhaleen. Madaxweynahan Geeriyooday ayaa ku guuldaraystay inuu markiisii labaad qabto xilka madaxweynnimo ee  Maraykanka ka dib markii  lagu helay in aanu bixin cashuur ku baaqatay. Wuxuu Maraykanka hogaaminaayey dhammaadkii dagaalkii qaboobaa, waxaanu guul ka soo hooyey burburkii midowga Soofiyadka oo shacabka Maraykanku aad  ugu xusuustaan

Afhayeen u hadlay qoyska George H. W. Bush ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters geerida George.

Sources: Reuters