Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Oo Ka Hadley Dib U Dhaca Doorashada [ Maxuu Ka Taliyey ]

Hargeysa (GNN):- Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, socdaalka Madaxweynaha, dib u dhaca Doorashada, iyo qodobo kale.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay

“Sababta Doorashada dib loogu dhigayo, waa inay jirtaa duruufo adag, haddii aan lagu dhaqmayn Dastuurka Somaliland sameeysatayna waxay noqonaysaa mashaakil, inta badana Doorashada waxa dib dhigi kara duruufo adag oo jira, Dawladduna waa inay ka waranto sababta keenaya dib u dhaca Doorashada”.

Suldaanku mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Tobada xubnood laba xubnood oo qudha ayey Xisbiyada Mucaaradku leeyihiin, halka laba uu Madaxweynuhu magacaabo, laba ay Guurtidu magacawdo, halka xubinta kalena uu Xisbiga taladda hadba hayaa uu magacaabo, markaas arintan Komishanku wey adkaanaysaa, ee anigu waxaan odhan lahaa waxba yaan Doorashada dib loo dhigine, xaalada Komishanka ha laga heshiiyo, oo sidan sad-buursiimada ah umadda ha laga daayo”.

Suldaanka guud mar uu ka hadlaayey safarka Madaxweynaha ayaa yidhi “Madaxweynuhu xaq buu leeyahay inuu tago meel kasta oo dalka ah oo uu xukumayo, waana muhiim inuu xogogaal ka noqdo hadba xaalada dadkiisu ku sugan yihiin, maaha inuu Guriga Madaxtooyaduun fadhiyo, dadka ayuu soo baranayaa ,dalkuu soo marayaa, siday wax u jiraan buu soo ogaanayaa, waxyaabo badan oo marka hore ka qarsoonaa, ayaa u iftiimaya maanta, Madaxweynuhu markii hore nin arimaha siyaasada ku jira muu ahayn, ee ciidan buu ahaan jiray, ee mar haddii  Madaxweynuhu uu  arrimihii Siyaasada uu galay, waa inuu dal barasho iyo dad barasho meel walba oo dalka ah u tagaa, oo uu Shacabka kalsoonidiisa toos u qaata,waana ku hambalyeynayaa Madaxweynaha safarkiisa”.

Suldaan Maxamed mar uu Madaxweynaha talooyin u diraayey ayaa yidhi “Waxaan leeyahay Siyaasada uu wado Madaxweynuhu ha la isku daba taago, “Madaxweynaha waxaan kula talinayaa inuu kalsoonida Shacabkiisa kasbado iyo inay si toos ah  Somaliland  isku afgarato, qabyaaladana guul laguma gaadho, Siyaasaduna qabyaalad ma leh, qabyaaladna in laga dheerado, ayaan soo jeedinayaa”