Taliska Ciidamada AMISOM Oo War Ka Soo Saaray Doorka Ay Ku Lahaayeen Xadhiga Mukhtaar Roobow

Moqdisho (GNN):- Taliska ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa war kasoo saaray qalalaasihii ugu dambeeyay ee ka dhashay xariga Mukhtaar Roobow oo Khamiistii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Qoraal kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay inaysan wax doo ah ku laheyn xadhiga Baydhabo loogu geystay Mukhtaar Roobow iyo usoo wareejintiisii magaalada Muqdisho oo hadda uu ku xidhan yahay.

Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeire ayaa sheegay in ciidamada AMISOM aysan door ku laheyn xadhiga Mukhtaar Roobow, wuxuuna sheegay inaysan marnaba ka gudbeyn howlgalka ay u joogaan Soomaaliya.

“Waxaan dhowreynaa Xushmadda iyo aqoonsiga madaxbanaanida Soomaaliya, waana sii wadeynaa inaan dhowro, ciidamadeena wax door ah kuma laheyn xadhiga ka dhacay Baydhabo”ayaa lagu yidhi  qoraalka AMISOM.

Ciidamada Dowladda Ethiopia ayaa la xaqiijiyay inay door ku lahaayeen xadhiga Mukhtaar Roobow, laakiin AMISOM ma aysan xaqiijin in ciidamadaasi ay AMISOM ka tirsan yihiin iyo inaysan ka tirsaneyn.

Qalalaasaha ka dhashay xariga Mukhtaar Roobow ayaa sababay dhimashada xildhibaan ka tirsan baarlamaanka koofur Galbeed iyo dad shacab ah, waxaana wali taagan xiisadda ka dhalatay arintaasi.

GABILEY.NET