Warbixin Iftiimisay Galaangalka Siyaasadeed iyo Dhaqaale ee Dawladda UAE ku Sameysay Geeska Afrika iyo Kaalinta Somaliland

Wargeyska The National ee ka soo baxa UAE ayaa maanta falanqeeyey kaalintaImaaraadku ku leeyahaynabadeynta iyo maalgashigaGeeska Afrika.

Warbixintaasoo uu qoray Suxufi la yidhaahdo Charlie Mitchel, waxa soo xigatay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanalagu sharraxaydedaaladii diblomaasiyadeed iyo ganacsieesannadkan 2018ka ay sameysay dawladda Imaaraadka carabta oo xoojisay doorkeeda ku wajahan mandaqada Geeska Afrika.

Waxawarbixintuxaqiijisay in dawladda Abu Dhabi ay ugu yaboohday 2.99 Bilyan oo doolar dawladda Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed. Waxa kaloo Xukuumadaha Imaaraadka iyo Sucuudigu ay ka shaqeeyeen heshiiskii ay wada galeen Itoobiya iyo Eriteriya oo lagu soo afjaray colaad 20 sannadood u dhexaysay labadaas dal.

Wargeyska The National wuxuuintaas ku darayin Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadku ay ka hawlgasho dekedda halbowlaha ah ee Berbera oo Itoobiyana ay ku leedahay saami dhan Boqolkiiba Sagaal iyo Toban (19%), isla markaana ay Somaliland naawilayso inay noqoto marinka ugu muhiimsan ee dalalka Bariga iyo badhtamaha Afrika.

Sidoo kale,waxa warbixinta joornaalka The National lagu caddeeyeyin Shirkadda DP World ay100 Milyan oo doolarku maalgelinaysojidka isku xidha Berbera iyo Wajaale oo soohdin u ah Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu ku dooday warsiduhuin dhismaha jidkaasiuucaddeyn uyahay galaan-galka dawladda Imaaraadku ku leedahay ganacsiga gobolka Geeska Afrika.

Wargeyska The National wuxuuxusay in XukuumaddaImaaraadku ay si dhakhso ah u furi doonto saldhiga Millatari ee ay ku yeelaynso magaalo xeebeedda Berbera ee gobolka Saaxil.

Cumar Maxamed Faarax
00252 24424148
252 2 9162495