“ Turkiga U Dhiibi Mayno Dadkii Ka Danbeeyey Dilkii Wariye Jamaal Khaashuqji…” Dalka Sucuudiga

Riyadh (GNN):-  Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa sheegtay inaysan u gacan gelin doonin xukuumadda Turkiga dadka looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa shir jaraa’iid uu ku qabtay magaalada Riyaadh ka sheegay in aysan muwaadiniintooda u dhiibi doonin cid kale.

“Ma dhiibi doono muwaadiniintayada” ayuu yidhi  wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga, Caadil Al Jubeyr.

Caadil ayaa dhaleeceeyay sida Turkiga uu macluumaadka ula wadaagay boqortooyada Sucuudiga.

Caadil wuxuu yidhi “Waxaan ka codsaneynaa saaxibada Turkiga inay na siiyaan caddeymaha ay hayaan si aan ugu bandhigno maxkamadda, uma aanan helin macluumaadka qaabkii la rabay”.

Toddobaad ka hor ayay aheyd markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu codsaday in dalkiisa loo soo gacan geliyo dadka lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilka Khaashuqji.

GABILEY.NET