Hargeysa (GNN):- Maxkamadda gobolka Maroodijeex waxay maanta xukuno kala duwan ku riday odayaashii loo haystay inay sheegteen maayarka iyo maayir ku xigeenka caasimada Hargeysa oo in muddo ah ku xidhnaa eedaymahaasi.
- Caaqil Xasan waxaa lagu xukumay afar sano oo xadhig ah.
- Xuseen Shabeel waxaa lagu xukumay saddex sanno oo xadhig ah.
- Xasan Kaam-liibaan waxaa lagu xukumay laba sanno oo xadhig ah.
- Cabdiqani Madoobe xoriyadiisa ayaa dib loogu celiyay kaddib markii loo waayay wax dambi ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa sidaas warbaahinta u xaqiijiyey
GABILEY.NET