Wafdiga Madaxweynaha Eritrea Oo Xalay Casho Sharaf Loogu Sameeyay Hotel Moqdisho Ku Yaalla + [ Sawiro ]

Moqdisho (GNN):- nMadaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Xalay Casha sharaf ugu sameeyay mid ka mid ah Hotelada Muqdisho Wafdiga Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo xalay ku hoyday magaalada.

Casha sharafta ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo marti sharaf kale, waxaa munaasabadda casho sharafta lagu soo bandhigay ciyaaro hidaha iyo dhaqan, suugaan.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa shalay booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, iyadoo kulan labo geesood ah ay wada yeesheen Labada Madaxweyne.

Gelinka dambe ee maanta ayaa la filayaa in war murtiyeed laga soo saaro kulamada labada Madaxweyne.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii July ee sanadkan booqasho ku tagay magaalada Asmara, taasoo aheyd booqasho rasmi ah oo ah tii u horeysay oo Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago dalkaas oo dhowaan laga qaaday cunaqabateyntii saarneyd.

GABILEY.NET

Exit mobile version