Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday dhismaha wasaaradda arrimaha dibadda Libya ee ku taalla magaalada caasimadda ah ee Tripoli, illo wareedyo ka tirsan laamaha ammaanka dalkaasi ayaa sheegay in dableyda ay u suuro gashay inay galaan dhismaha wasaaradda.
Qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay goobta, waxaana halkaasi cirka isku shareeray qiiq iyo uuro madoow oo ka dhashay qaraxa.
Weerarka waxaa ku dhintay ug yaraan 3 qof , balse ma kala cadda cidda fulisay weerarka.
Horraantii sannadkan, labada weerar oo noocan ah ayaa lala beegsaday xarunta guddiga doorashooyinka iyo xarunta shirkadda shidaalka qaran, waxaana sheegtay kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka.