Yaa Ku Guuleystay Doorashadii Ka Dhacday Dalka Bangladesh.

Ra’iisalwasaaraha dalka Bangladesh Sheekh Hasina ayaa mar saddexaad loo doorto xilkaasi ka dib doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday shalay oo Axad ahayd, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka dalkaasi.

Xisbiga Sheekh Hasina ayaa helay 281 ka mid ah 350 kursi ee uu ka kooban yahay baarlamaanka dalkaasi, waana kuraas ka badan tii uu helay doorashadii tan ka horreysay.

Mucaaradka dalkaasi ayaa cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay doorashada “khiyaaliga ah” ee ay hareeyeen rabshado, handadaad iyo eedeymo ah in lagu shubtay doorashadaasi.

Mucaaradka ayaa baarlamaanka ka helay toddobo kursi oo kaliya, waxa ayna codsadeen in doorashadu lagu celiyo.

“Waxaan ugu baaqeynaa guddiga doorashooyinka in si deg deg ah uu laalo natiijadan khiyaaliga ahi,” ayuu yidhi  Kamaal Xuseen oo ah hoggaamiyaha mucaaradka.

“Waxaan dalbaneynaa in sida ugu dhakhsaha badan loo qabto doorasho cusub oo ay maamuleyso dowlad dhexdhexaad ah.”