Sababta Ciidammada Booliska Somaliland U Xidheen Nin Ajaanib Ah Oo Internet-ka Ku Baahiyey ….

Hargeysa (GNN):- Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, Jaamac Xaaji Axmed Cabdi ayaa sheegay inay Gacanta ku soo dhigeen koox caadaystay inay xadaan Gaadiidka dadweynaha, ka dib hawl-gallo badan oo uu xusay inay ka sameeyeen Magaalada Hargeysa.

Badhasaabku wuxuu sheegay in Dadka Baabuurta xadi jiray ee ay qab-qabteen inay ku jiraan kuwii samayn jiray furayaasha Gaadiidka la xado lagu kaxaysto, sidaasi darteedna dhawaan la hor-geynayo Maxkamadaha si xukun loogu rido.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Arrinta Gaadiidka la xado waa arrin aad moodayso inay soo noqnoqotay sannadkii dhammaaday 2018, runtii daba-gal badan ayaanu ku samaynay waanu ku guulaysanay Annaga oo kaashanayna Ciidammada Booliiska, waxaanuna u soo xidhnay 9 Qof, markii aanu qaar qabanay ayay qaar kale sii sheegeen, waxaana ku jira kuwii samayn jiray Furayaasha Baabuurta lagu xado, intii aanu gacanta ku dhignay Kooxahaas hoos bay u dhacday arrintii (Baabuurtii la xadayey)..”

Badhasaabku wuxuu tilmaamay in maaddaama oo Caasimadda Hargeysa ay ballaadhan tahay sii socon karaan Xadista Gaadiidku

“Caasimadda Hargeysa way ballaadhan tahay oo Kiisaskaasi way jirayaan oo way dhacayaan, laakiin waxa jiray kooxo isku xidhan oo Shabakado ahaa oo Barnaamijkan ka shaqayn jiray, laakiin waanu ku guulaysanay oo hadda Booliiska ayaa Gacanta ku haya, dhawaana Sharciga ayaa la hor keeni doonaa.” Ayuu yidhi,

Waxaanu intaa sii raaciyey oo uu sheegay in Ciidammada Booliisku xidheen Nin u dhashay Dalka Pakistaan, kaasi oo ku eedaysan inuu Baraha Bulshada ku faafiyey Sawirro ay ku jiraan Hablo reer Somaliland ah

“Waddankeena waxa jooga Dad badan oo Ajaanib ah, Waayo? waxa jira Waddamo badan oo aynu deris nahay, sida Yemen oo Qoxooti badan uu Dalkeena ka joogo, Itoobiya oo aynu deris nahay Dad badan ayaa inagala jooga, Dad badan oo Ajaanib ah oo Ganacsi u yimid ama Hay’ado u shaqeeyaana way joogaan Somaliland, markaa in la ilaaliyo dhaqankeena iyo Diinteenu waa waajib uu Qaranku u igman yahay, sidaa darteed waxaanu Gacanta ku dhignay oo hadda xidhan Nin Pakistaani ah oo Baraha Bulshada soo dhigay Sawirrada Gabdho qaarna ajaanib yihiin, qaarna ay Waddankeena u dhasheen.”

Badhasaabku wuxuu sheegay in Ciidammada Booliiska oo Ninkaa daba-gal badan ku sameeyay ay ku qabteen Magaalada Berbera

“Markii aanu daba-gal badan ku samaynay waxay Ciidanku ku soo qabteen Berbera, waanu xidhan yahay, markaa Cid kasta oo dhaqan xun oo Diinteena, dhaqankeena iyo Karaamadeena Meel kaga dhacaysa samaysana waxaanu diyaar u nahay inaanu Sharciga hor-geyno..”ayuu yidhi, Badhasaabka oo u warramay Telefiishanka Somnews Tv oo Wargeyska Himilo uu Warkan ka soo xigtay.

Ugu dambayn, Badhasaabku ma caddaynin in sawirrada baahintooda lagu haysto Ninku ahaayeen Sawirro aan anshax ahayn wanaagsanayn, sida in Habluhu aanay asturnayn oo kale, halka uu Sawirrada ka helay iyo hablaha Sawirradooda uu baahiyey inay Booliiska u soo cawdeen.

GABILEY.NET