Adduunka ayay saaxiibo ku ahaayeen waxayna ku wada dhinteen weerarka

Ugu yaraan 21 qof ayaa ilaa iyo iminka la rumeysan yahay inay ku dhinteen weerarkii Al Shababaab ay ku qaadeen dhismaha Dusit D2 ee xaafadda Westland ee magaalada Nairobi. Weerarkan oo qaatay ku dhawaad 20 saac ayay dowladda Kenya sheegtay inay “dishay” dhamaan raggii soo qaaday weerarka.

Haddaba weerarkan ayaa dadkii ku dhintay waxaa ka mid ah nin ka badbaaday weerarkii 9/11 ee lagu qaaday dhismayaashii Mareykanka, ciyaaryahan aad looga yaqaanno Youtube-ka iyo saaxiibbo aad isugu dhawaa.

Saaxiibbadii isla dhintay Feysal Axmed iyo Cabdullaahi Daahir

Lahaanshaha sawirkaQOYSKA
Image captionAbdalla Dahir (bidix) and Feisal Ahmed (midig)

La taliye arrimaha horumarka, Feysal Axmed oo da’diisu ay ahayd 31 jir iyo Cabdi Daahir oo ahaa 33 jir kana wada shaqeynayay hey’adda Adam Smith International ayaa ku qadeynayay maqaaxi ku taalla dhismaha, kahor inta uusan weerarka bilaabanin.

Saaxiibbada iyo ehellada ayaa saaxiibtinnimada Axmed iyo Daahir ku tilmaamay mid aan la qiyaasi karin. Cabdullaahi Keynaan oo ah seeddiga Feysal ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in labadooda ay ahaayeen saaxiibbo aad isugu dhawaa.

”Aad ayay isugu dhawaayeen, dadkuna waxayba lahaayeen way isla dhiman doonaan”.

Feysal iyo Cabdullaahi ayaa sidoo kale kasoo wada shaqeeyay hay’adda Somalia Stability Fund, taas oo ka shaqeysa nabadeynta Soomaaliya.

Maxamed Cabdilatiif oo ay saaxiibbo ahaayeen Feysal ayaa sidoo kale sheegay inuu ahaa qof aad u kaftan badan oo farxaan ah, qof walba oo ay isagaranayeenna uu aad u jeclaa, waxaana uu dhinty iyadoo xaaskiisa ay leedahay uur toddobo bilood ah.

Cabdullaahi ayaa isna bartiisa Linkedin oo ah meel dadku ay ku keydiyaan maclumaadka shakhsiga ku qoray in uu jecel yahay inuu dadka la wadaago sheekooyinka dadka nugul, gaar ahaan dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay colaadaha, mar walabana uu jeclaa inuu dunida ku baraarujiyo saameynta colaadaha.

Hasa yeeshee labadoodaba isku meel ayaa lagu aasay.

Dadkii kale ee ku dhintay weerarka ayaa waxaa ka mid ah:

James Oduor

Lahaanshaha sawirkaJAMES ODUOR FACEBOOK
Image captionJames Oduor

James Oduor ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii Dusit D2 ee Nairobi, iyadoo maalin kaddibna uu qorsheynayay in uu u dabaal dego dhalashadiisa.

Waxaa uu aad u xiseyn jiray ciyaaraha oo waxaa uu barta Youtube-ka sanad kahor ka sameystay kanaal uu u bixiyay Wadau TV. Waxaana ay saxaiibo ahaayeen tifatiraha BBC-da arrimaha ganacasiga ee Afrika, Larry Madowo.

Saaxiibbadiis waxaa ay shegeen in uu aad u xiiseyn jiray ciyaaraha horyaalka kubbadda cagta ee Ingiriiska, gaar ahaan kooxda Manchester United oo uu taageero u ahaa.

James ayaa sidoo kale u dheeli jiray koox kubbadda cagta oo ka dhisan dalka Kenya.

“Manchester United iyo Kenyaba waxay waayeen taageero daacad u ahaa, kooxdeennana waxay weyday hoggaamiye iyo walaal” . Sidaasi waxaa yiri nin ay saaxiibbo ahaayeen.

James ayaa waxaa kale oo uu u shaqeynayay shirkadda qalabka korontada ku shaqeeya ee LG Electronics, oo xafiis ku leh dhismaha Dusit.

Markii uu weerarka bilowday waxaa uu bartiisa twitter-ka uu ku soo qoray in uu maqlay dhawaqa rasaasta iyo qarax, isaga iyo saaxiibbadiisna ay ku xanniban yihiin gudaha.

Jason Spindler

Lahaanshaha sawirkaJASON SPINDLER
Image captionJason Spindler

Jason Spindler waxaa uu ka badbaaday weerarkii sanadkii 2001 lagu qaaday daarihii ganacsiga ee Mareykanka, balse weerarkii Nairobi ayuu ku dhintaty.

“Aad ayay ii taabatay inaan idiin sheego in uu dhintay walalkey Jason Spindler oo ku dhintay weerarkii Nairobi, Jason waxaa uu ahaa dagaalyahan ka badbaaday weerarkii Mareykanka”. Sidaasi waxaa Facebook-ga soo dhigay Jonathan oo ay walaalo yihiin Jason.

Mr Jason waxaa uu u shaqeynayay banki dhanka maalgashiga oo la yiraahdo Salomon Smith Barney xilliga uu dhacayay weerarkii Mareykanka.

Jason waxaa uu ka sahqeynayay sidii koronto loo gaarsiin lahaa deegaannada fogfog ee dalka kenya.

Hooyada dhashay Jaosn ayaa warbaahinta Mareykanka u sheegtay in wiilkeeda uu isku dayay in uu gacan ka geysto sidii loo horumarin lahaa dalalka soo koraya.

Lahaanshaha sawirkaGATSBY AFRICA
Image captionLuke Potter

Luke Potter

Briton Luke Potter waxaa uu agaasime ka ahaa hay’adda Gatsby Africa. Waxaa uu dhawaan u soo wareegay magaalada Nairobi, isagoo ka soo tegay Ingiriiska.

Waxaa uu shakhsiyaddiisa ku tilmaamay qof jecel ciyaaraha noocyadooda kala duwan. Waxaa uu horay u sheegay in uu aaminsanaa baahida loo qabo in dhammaan bulshooyinka ay helaan fursado siman.

XIGASHO BBC SOMALI

Exit mobile version