Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Canada Oo Hal Malyan Oo Qaxooti Ah U Oggolaanaysa Dalkeeda

Canada (GNN):- Baarlamaanka dalka Canada ayaa ansixiyay in loo oggolaado soo galooti ka badan hal malyan oo ruux inay yimaadaan wadankeeda saddexda sano ee soo socota.

Tiradan oo ah ku dhowaad boqolkiiba hal dadka ku nool wadanka Canada ayaa dad kabadan 286,000 waxa ay dowlada Canada siisay sharci sanadkii 2017ka waxaana la filayaa in dad gaaraya 350,000 ay sharci degenaansho helaan sanadkan.

“Waan u mahadcelinaynaa tirada dadka badan ee soo galootiga ah ee dalkeena imanaya, waxayna taas ka dhigtey wadankeena inuu noqdo mid awood leh oo aan ku faraxno.”ayuu yidhi Axmed Xuseen oo ah Wasiirka u qaabilsan soo galootiga iyo qaxootiga dalka Canada.

Axmed Xuseen oo laftiisa qaxootinimo ku tegey dalka Canada asalkiisuna yahay Somali ayaa aaminsan in dadka badan ee imanaya dalka Canada ay gacan ka geysanayaan horumarka wadankaas oo dadkiisu sii gaboobayaan isla markaana ay hoos u dhacday carruurta ku dhalaynaysa wadankaas.

Mowqifka ay qaadatay dalka Canada ayaa ah mid aad ugaga duwan tan dowlada Maraykanka iyo inta badan wadamada reer galbeedka oo haatan albaabada ka xirtey soo galootiga u badan kuwa ka soo cararaya qaarada Afrika iyo wadamo kale.

Dalka Canada ayaa ogolaaday in uu qaxootinimo siiyo gabar u dhalatay dalka Sacudi Carabiya Rahaf al Qanun oo waalidkeed ka soo carartay laguna qabtay magaalada Bangkok ee dalka Thailand.

GABILEY.NET

%d bloggers like this: