Ciidamada Amaanka Oo Xabsiga Dhigay Siyaasi Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani + [ Waa Kuma ]

Hargeysa (GNN):- Ciidamada amaanka somaliland ayaa goor dhawayd xabisga dhigay siyaasi Cabdixakiin Gaaxnuug Guray oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, kana mid ahaa guddidii ololaha doorashada xisbigaas ee gobolka Maroodijeex.

Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale xidhay muwaadin Cabdi Ciise Mire Diin oo aan isagu ku jirin xisbigaasi, iyada oo aan ilaa hada la ogayn waxyaabaha sababay xadhigooda.

Warar ayaa sheegaya ciidamada amaanku ay duhurkii maanta qabteen siyaasiย  Cabdixakiin Gaaxnuug Guray Iyo Cabdi Ciise Mire Diin iyaga oo aan ciidamaduna ilaa hada ka hadal xadhiga labadan muwaadin.

GABILEY.NET

Reach US At :

00252634243848

XULASHADA GNN





Documentary ka hadlaya Dib-u-dhiskii Somaliland

Shirkii Tawfiiq ee Sheekh 1992