argeysa(GNN):-Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa shaaciyey laba suxufi oo ciidamada boolisku ay xabsiga dhigeen.
Gudoomiye Xuuto oo shaaciyey xadhiga labadaas suxufi ayaa sheegay in weriyeyaashii ay ku jireen duubista warbixin ay ka diyaarinayeen gaadhi ay dawladu leedahay oo ku dayacan degmada Ibraahin Koodbuur.
Gudoomiye Xuuto oo qoraal ku baahiyey bartiisa Facebook ayaa sharci ku tilmaamay xadhiga ay ciidamada boolisku u gaysteen labadan weriye waxaanu yidhi “Booliiska Saldhiga Koodbuur ee magaaladda Hargeysa ayaa si sharci darro ah saaka u xidhay labada wariye ee kala ah: C/lahi Xasan Jaamac iyo Ridwaan Ismaaciil Gaydh, kuwaasoo war ka duubayey gaadhi dayacan
oo ay xukuumadda Somaliland leedahay.
GABILEY.NET