Danjire Baashe Cawil oo Warbaahinta Kenya Uga Warramay Waxyaabaha Sababay Eriga Nicholas Haysom

Kenya(GNN)- Qaar ka mid ah Warbaahinta caalamka ayaa falanqeysay  Warsaxaafadeedkii Xukuumadda Somaliland Arbacadii  ay ku naqdiday Tallaabadii  ay dawladda Soomaaliya ku amartay inuu dalkeeda ka baxo ergayga Qarammada Midoobay Mr. Nicholas Haysom.

Siday ku warantay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA,  Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar,  ayaa   Wargeyska Standard ee ka soo baxa dalka Kenya  u sheegay inay jiraan  ajandeyaal u qarsoon dawladda Muqdisho  oo sababay  in ay Soomaaliya ku dhawaaqdo  mastaafurinta

ergeyga Qarammada Midoobay Nicholas Haysom.

Danjire Baashe Cawil  wuxuu intaas ku daray inay  Nicholas Haysom uu  dedaal geliyey sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalka u dhexeeya Somaliland Iyo Soomaaliya. Waxa kaloo uu caddeeyey in Somaliland kala shaqeynayso beesha caalamka sidii loo furdaamin lahaa  arrimaha ka taagan mandaqada Geeska Afrika.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Cumar, wuxuu  u xaqiijiyey Warsidaha Standard  in aanu  khusaynin Somaliland go’aanka tarxiilka ergayga Qarammada midoobay,waxaanu  xusay In Jamhuuriyadda Somaliland  ay si mugle ula shaqeynayso Wakiillada UN-ka ugu sareeya ilaa heerka ugu hooseeya.

Sidoo kale, waxa danjire Baashe Cawil uu ku ammaanay qarammada midoobay inay kaalin weyn ka qaadatay gargaarka bini’aadanimada Soomaalida.

GABILEY.NET

Exit mobile version