Dawladda Hoose ee Hargeysa Oo burburisay Ganacsiyada Yaryar Ee Suuqa

Dawladda Hoose ee Hargeysa Oo burburisay Ganacsiyada Yaryar Ee Suuqa

Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa saaka burburisay ganacsiyada yaryar ee waddada hareeraheeda ee suuqa.

Dadka halkan ku ganacsada oo u badan danyar ayaa ku doodaya in iyadoo aan la siin ogeysiis la burburiyay ganacsiyadoodii.

Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa dadkan ka qaadan jirtay canshuurro kala duwan, waxayna intooda badan sheegayaan in aanay jirin meel kale oo ay uga maarmi karaan waddada hareeraheeda.

Horey ayaa sidan oo kale loo burburiyay ganacsiyadan yaryar, balse muddo kooban ka dib halkoodii ayay kusoo noqdaan.

Dawladda Hoose ee Hargeysa Oo burburisay Ganacsiyada Yaryar Ee Suuqa

Reach US At :

00252634243848

XULASHADA GNN





Documentary ka hadlaya Dib-u-dhiskii Somaliland

Shirkii Tawfiiq ee Sheekh 1992