Gabiley(GNN) Maayerka Magaalada Gabiley Maxamed AMiin Cumer Cabdi Ayaa Xeer Ilaalinta Iyo Saldhiga Booliska Magaalada Gabiley Usoo Gudbiyay Nuxurka Warqad Dacwad Ah Oo Uu Kaga Dalbanayo Maamulka Cadaalada In Ay Talaabo Ka Qaadaan Saxafi Jacfar Cawil Hereri Oo Ka Hawlgala Shabakada Gabiley.Net Iyo Telifishanka Horyaal Maayerka Magaalada Gabiley Ayaa Saxafigan Ku Soo Eedeeyay In Uu Ka Been Sheegay Warar Iyo Barnaamijyo Uu Dhawaan Soo Gudbiyay.
Ha Yeeshee Saxafigan Ayaa Bulshada Ka Soo Tabiyay Hagardaamada Iyo Dhibaatada Gaamurtay Ee Geedka Garanwaagu Ku Hayo Bulshada Oo Maamulka Dawlada Hoose Ay Ka Gaabisay In Ay Waxka Qabato.Barnaamjiyada Uu SOo Bandhigay Wariye Jacfar Waxay Sababeen In Maayerka Mgaaalada Gabiley Uu Judhiiba Qaaday Talaabo Uu Kula Tacalayo Geedka Garanwaaga.
Dhawaan Ayay Aheyd Markii Wariye Jacfar Cawil Hereri Uu Runta Ka Sheegay Musuqmaasuq Iyo Waxqabad La,Aan Ka Jirta Magaalada Gabiley Iyo Guud Ahaanba Gobolka.Wuxuna Soo Gudbiyay Barnaamijyo Uu Ka Diyaariyay Geedka Garanwaaga Oo Arqalad Ku Noqday Isusocodka Bulshada Iyo Bilicda Magaalada.Waxyaabaha Uu Maayerka Magaalada Gabiley Ka Biyo Diiday Ayaa Ahaa Kadib Markii Wariye Jacfar Cawil Hereri Uu Soo Bandhigey In Miisaaniyada Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Ay Ku Jirto Wado Baneyn Taasina Uu La Socdo Geedka Garanwaaga Oo Sidaynu Fahansanahay Xidha Wadooyinka Iyo Dariiqyada Ay Bulshadu Isticmaasho.
Maayerka Magaalada Gabiley Oo Caanku Ah In Uu Isdul Mariyo Runta Iyo Eedaha Dul Hoganaya Ayaa Doonaya In Uu Warbaahinta U Isticmaalo Awoodo Iyo Ku Takrifal Sharci Oo Baal Marsan Qawaaniinta Iyo Awoodaha Uu Sharcigu Jiheeyay.Waxana Soo Noqnoqaya Talaabooyinka Qaldan Ee Uu Qaar Ka Mida Warbaahinta Ku Qaadayo Mayerka Magaalada Gabiley Maxamed AMiin Cumer Cabdi. Isago Adeegsanaya Hadalo Kutiri Kuteen Iyo Waraaqo Mana Awaalo Oo Uu Doonayo In Uu Xadhig Uuga Dhigo.
Baryahan Danbe Warbaahinta Madaxa Banaan Ayaa Soo Bandhigaya Xogo Dhab Ah Oo Ka Qarsonaa Bulshada Kuwaasi Oo Ku Qotoma Danbiyo Musuqmaasuq Iyo Jabin Sharci Oo Xaga Awoodaha Dastuurka Ah.Waxana Arinta Miiska Soo Dhigay Xildhibaan Buraale Oo Ka Mida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Oo Tilmaamay In Maayerka Magaalada Gabiley Uu Ku Kacey Falal Lidig Ku Ah Qawaaniinta Dalka Uyaala.Wuxuna Cadeeyay Xildhibaankani In Uu Arinta Ka Dhaxli Doono Sumcad Xumo Iyo In Uu Kaalinta Koobaad Ka Galo Masuuliyiinta Lagu Xasuusto Waxqabad La,Aan Iyo Jabinta Xeerarka Ay Umadi Leedahay Ee Gundhiga U Ah.
GABILEY.NET