Hargeysa (GNN):- Kulan ay saaka markale ku kulmeen xisbiyada Qaranka Somaliland oo ay kala Hogaaminayeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland , Gudoomiyaha xisbiga Waddani iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID ayaa lagu kala kacay isla markaana aaney ka soo bixin wax natiijo ah
Xisbiga Waddani oo ugu horeyn warbaahinta la hadley waxaa uu sheegay in shirkaasi aaney wax natiijo ahi ka soo bixin isla markaana xisbiga Kulmiye aanu la imanin wax tanaasul ah , oo uu miiska soo saarey in kominshanka laba xubnood lagu daro marka doorashadan soo socota la qabto , taas oo Waddani sheegay in aanu marnaba aqbali doonin.
Gudoomiyaha xisbiga UCID oo isna warbaahinta la Hadley waxaa uu sheegay in xisbigoodu uu doonaayo in doorasho dhacdo 2019 , waxaana uu eedeymo u jeediyey xisbiga Waddani oo uu ku sifeeyey mid aan danta Somaliland wadin waa sida uu hadalka u dhigaye
Si Kastaba Ha Ahaatee Kulanka Ayaa Noqday Mid Lagula Xanaaqey Oo Aan Lagu Kala Talo Iyo Tashi Qaadan.Xisbiba Xisbiga Kalena Ku Eedayay In Aanu Daacad Ka Aheyn Talooyinka Iyo Ujeedooyinka Kulanka Layskugu Yimid.
Dhawaan Filo Warkan Muuqaalkiisa