Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobey Oo Kulan Ka Yeelanaya Xaaladda Somaliya.

Dowladda Soomaaliya Talaadadii, waxey go’aan culus ka soo saartay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan.

Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay ayaa kulankoodii sanadlaha ahaa maanta gelinka dambe ku qabaya magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Xubnaha Golaha Amniga, ayaa Warbixin ka dhageysan doona Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobe Haysom, kaasoo maalin ka hor loo jaray warqad loogu sheegayo inaan dalkan laga rabin oo uu isaga tago.

Inkastoo kulanka maanta uu ahaa mid hore u sii qorsheysnaa, ayaa hadana waxa uu ku soo aaday xili xaalada Siyaasadeed ee dalka Somaliya ay tahay mid kacsan, maadaama Xerada Xalane ee Qaramada Midoobey Salaasadii lagu weeraray Madaafiic.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya Talaadadii, waxey go’aan culus ka soo saartay Ergeyga Qaramada Midoobey

GABILEY.NET