Wajaale(GNN)Gudoomiyaha Degmada Wajaale Xaashi Maxamud Cabdi Isago Ku Hadlaya Afka Maamulka Wajaale Iyo Ka Shacabka Degmada Wajaale Wuxuu Hambalyo Iyo Bogaadin Udirayaa Suldaan Axmed Maxamed Calhaye(Suldaan Salmaan)Oo Maanta Oo Khamiisa Lagu Caleemo Saaray Deegaanka Laas Xadhaadh Oo Ka Tirsan Degmada Arabsiyo Waqooyina Kaga Beegan.Gudoomiye Degmada Wajaale Xaashi Maxamud Cabdi Ayaa Suldaanka Illaahay Uga Rajeeyay In Uu Illaahay Xilkaasi Ku Asturo isagoo Bulshadana Ugu Baaqey In Ay Garab Istaagaan Oo Ay La Shaqeeyaan.Xaashi Oo Arintaasi Ka Hadlaya Ayaa Waxa Uu Yidhi
Aniga Oo Ku Hadlaya Magacayga Iyo Kan Shacabka Wajaale Waxan Soo Dhaweynanaa Caleemo Saarka Suldaan Axmed Maxamed Calhaye(Suldaan Salmaan) Oo Maanta La Caleemo Saaray.Suldaankan Waxan Ku Kalsoonahay In Uu Si Quman Oo Qiimoleh Uga Qaybqaadan Doono Hawlaha Dhaqanka Iyo Iskusoo Dhaweynta Bulshada.Waa Shakhsi Samafale Ah Oo Door Muuqda Ka Qaata Adeegyada Samafalka Ee Bulshada.Waan Uducaynanaa Wanan Bogaadinanaa.Waxanan Ka Rajeeynanaa In Uu Noqdo Suldaan Anfaca Diintiisa Dadkiisa Iyo Dalkiisa.
Waxaan Ku Naqaanay Shakhsi Karti Iyo Wanaag Ku Maareeya Hawlaha Samafalka Oo Ku Dhiirada Hormarka Bulshada Iyo Ka Shaqeynta Arimaha Samafalka Ah.Maantana Wuxuba Ka Mid Noqday Bahda Salaadiinta Somaliland.Waxanan Ku Kalsoonahay In Uu Dhaqaajinayo Nidaamka Wanagsan Ee Iskuso Dhaweynta Bulshada Somaliland. Isago Markasta Iyo Meelakstana Aanu La Garab Taaganahay Ka Maamul Ahaan Duco Iyo Wadashaqeyn,Bulshada Gobolka Gabileyna Waxaan Leehay La Shaqeeya Suldaanka Oo Garabkiisa Noqda.
WABILAAHI TOWFIIQ
GUDOOMIYAHA WAJAALE
XAASHI MAXAMUUD CABDI